DF oo sharaxday kaamirooyinka cusub ee jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay fahfaahin buuxa ka bixisay kaamirooyinka cusub ee lagu xiray qaar kamid ah isgoysyadda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Cabdullaahi Faarax, agaasimaha siyaasadda iyo sharciga ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa talaabadan ay tahay si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Faarax ayaa rumeysan in kaamirooyinka ay hoos-u-dhigi doonan fal-dambiyeedyadda kana hortagi doonan weeraradda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

"Weeraradda hoos ayay u dhacayaan, sababtoo ah waxaa qabaneysa Kaamiradda, waana talaabo horey loo qaadey," ayuu Faarax u sheegay qeybta English-ka ee Tv-ga VOA.

Ibraahim Xaaji, agaasimaha warbaahinta ee Wasaaradda Difaaca, ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda ammaanka ay si gaar ah ula socon doonan dhaqdhaqaaqa Kaamirooyinka.

"Koox ka tirsan laamaha ammaanka ayaa jira oo maamulaya, mana rabo in aan kusii dheeraado, waa arrimo ammaan," ayuu ku daray.

Illo wareedyo ayaa tibaaxay in kaamirooyinka laga maamuli doono xarunta nabad sugida iyo sirdoonka Somaaliya ee loogu yeero Habad Khadiijo.

Iyaddoo shacabka aragtiyo kala duwan ka bixiyey, waxaa walaac ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in si gaar ah loogu rakibay agagaarka hoygooda.

Siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda dowladda Farmaajo ayaa tuhunsan in loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqdooda xili jawi xasaasi ah lagu jiro.

Bishii October, 2019, Al-Shabaab, oo si joogto ah weeraro uga geysta magaala madaxda, ayaa ku amartay xarumaha ganacsi ee Muqdisho, in aysan mehradahooda banaanka uga dhejin karin Kaamirooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM