DF oo si qarsoodi ah qandaraas ku kacaya malaayiin "u siisey" shirkad

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Soomaaliya ayaa qaab qarsoodi ah waxay shirkadda Navistar Defence ugu abaalmarisay heshiis ku kacaya 26 milyan oo Doollar, sidda lagu qoray mareegga Defenseweb.

Qandaraaska ayaa wuxuu dhigayaa in shirkadda ay dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika siiso gawaarida waaweyn ee xamulka.

Baabuurta ayaa lagu waddaa in magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay ka degaan dhamaadka sanadka 2022-ka, sidda ku cad warbixinta.

Ma jirto meel ay xukuumadda federaalka ah kusoo bandhigtay mashruucaan iyo hadii shirkaddaha ay tartan furan u galeen.

Iyadda oo dhigeeda Soomaaliya aysan wali war kasoo saarin, wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa 25-kii bishaan November xaqiijisay in shirkaddan u fasaxday qandaraaska.

"Taariikhda uu dhamaanayo mashruuca waxaa lagu qiyaasayaa 25-ka November 2022," ayuu jaraa'idka ku daray.

Gaadiidka lagu waddo in ay Soomaaliya ka hesho shirkaddan ayaa waxaa loo naqshadeeyay qaab aanu xabadda karin, taas oo macnaheedu yahay in loo adeegsanayo goobaha dagaalka.

Navistar Defence ayaa ah shirkad laga leeyahay Mareykanka oo soo saarta gawaarida milatariga noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa balaastig ah oo aanu karin qaraxyadda iyo hubka culus.

Mareykanka oo ciidamo lagu qiyaasay boqolaal ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxa uu dalka leh xeebta ugu dheer Afrika ka taageera dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish.

Askarta Ameerikaanka ah ayaa fariisinkooda ugu weyn wuxuu yahay saldhiga Balidoogle, oo ah xerro ay ku tababaraan ciidanka Soomaaliya ee gulufka balaaran kula jira waxa loogu yeero argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM