DF oo xaqiijisay in qaraxii Ex-kontarool Afgooye lagu dilay ajaaniib

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho lagu dilay Injineero u dhashay Turkiga.

Ugu yaraan afar Injineero oo kamid ahaa kuwa ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa kamid ah tobanaan ku geeriyootay qaraxa oo lagu eedeeyay Al-Shabaab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku taala bar ay Wasaaradda Maaliyadda ku qaado canshuur. Lacagta ayaa waxaa laga uruuriyaa gaadiidka ka yimaada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, oo tacsi u diray ehelada dadka ku naf-waayey falkaas, ayaa sidoo kale sheegay in ay arday ku jiraan.

"Inaa lilaahi waa inaa ilaayhi Raajicuun. Waxaan ummdda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa ardaydii, enjineeradii Turkiga aheyd iyo shacabkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye Alla Janada ha ugu bishaareeyo. Inta dhaawacaana Alla caafimaad taam ah alla ha siiyo," ayuu soo dhigay Facebook-ga.

Bishii August, 2019, qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, ayaa dilay tobanaan ruux. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa sheegatay falkaas.

Qaraxaan ayaa kordhinaya tiradda qaraxyadda 2019 ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo wadarta guud ay ku dhowdahay boqol, waxaana badankooda sheegtay xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM