DF oo xaqiijisay in qaraxii Ex-kontarool Afgooye lagu dilay ajaaniib

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qaraxii saaka ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho lagu dilay Injineero u dhashay Turkiga.

Ugu yaraan afar Injineero oo kamid ahaa kuwa ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa kamid ah tobanaan ku geeriyootay qaraxa oo lagu eedeeyay Al-Shabaab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku taala bar ay Wasaaradda Maaliyadda ku qaado canshuur. Lacagta ayaa waxaa laga uruuriyaa gaadiidka ka yimaada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, oo tacsi u diray ehelada dadka ku naf-waayey falkaas, ayaa sidoo kale sheegay in ay arday ku jiraan.

"Inaa lilaahi waa inaa ilaayhi Raajicuun. Waxaan ummdda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa ardaydii, enjineeradii Turkiga aheyd iyo shacabkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Isgooska Ex-Coontarool Afgooye Alla Janada ha ugu bishaareeyo. Inta dhaawacaana Alla caafimaad taam ah alla ha siiyo," ayuu soo dhigay Facebook-ga.

Bishii August, 2019, qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, ayaa dilay tobanaan ruux. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa sheegatay falkaas.

Qaraxaan ayaa kordhinaya tiradda qaraxyadda 2019 ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo wadarta guud ay ku dhowdahay boqol, waxaana badankooda sheegtay xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM