​Dhagaysiga khudabaha murashaxiinta Wajiga 2aad oo la qabanayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta markii labaad dhagaysanaya Khudbadaha ay jeedinayaan Murashaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha.

Hadal jeedinta oo ah Qeybtii Labaad ah, waxaa la qorsheeyay inay golaha shacabka ka hor akhriyaan waxqabadka iyo taariikh nololeedkooda xubnaha kala ah;

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

Cabdullaahi Cali Xasan

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Cabdulqaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

Loollanka doorashada ayaa maraya meel xasaasi ah, waxaana murashaxiintu dadaal ugu jiraan sidii loo kasban lahaa codadka Xildhibaanada iyo quluubta shacabka, waxaana warbaahinta ragga qaybtood isu marinayaan eedaymo midba midka kale bannaanka kusoo dhigayo khaladaadka uu galay iyo siyaasaddiisa ku aadan hogaaminta waddanka.

Waxaa la filayaa in Maalinta Beri ah, lasoo gabo-gabeeyo Hadaljeedinta Murashaxiinta, iyadoo 6-7 Bishan ay Murashaxiinta ka qeybgali doonaan Doodo toos ah, oo warbaahinta qaranka tabin doonto.

Arbacada (February 8) ayaa lagu wadaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Somalia, waxaana u tartamayo 23 Murashax, waxaa tanaasulay Murashaxii 24-aad Tartanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM