Dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Dib-u-heshiisiinta qaranka iyo deyn cafinta ayaa kamid ah arrimaha lagu soo qaadey kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka Bulshada ee Midowga Yurub, Thomas Kieler.

Madaxda ayaa, sidda uu shaaciyey xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe, waxay ahmiyada koowaad siiyeen arrimaha bini'aadantinimo ee dalka, dhammeystirka dib u eegista dastuurka.

"Thomas Kieler ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ku ammaanay kaalinta bulshada ee ku aaddan arrimaha dib u heshiisiinta qaranka, iyadoo kulanka lagu soo hadal qaaday in dhowaan ay baarlamaanka soo booqan doonaan wafti ka socda Barlamaanka Midowga Yurub. Sidoo kale waxay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen shuruucda Golaha ansixiyay ee taageeraya amniga dalka iyo deyn cafinta," ayay raaciyey.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

"Kulanka ayaa looga hadlay arimaha Qaxootiga Soomaliya ee dibada ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM