Dhimashadda iyo dhaawaca colaadda Laascaanood oo korortey

Image
Cabdimajiid Sugulle oo kamid ah bahda caafimaadka magaalada ayaa soo bandhigay tirooyinkii ugu dambeeyay.

GAROWE, Puntland - Maamulaha cisbitaal ku yaala magaalada Laascaanood ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in ugu yaraan 145 qof ay ku dhinteen dagaalka muddo ka badan laba bilood socda xarunta gobolka Sool.

Cabdimajiid Sugulle ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in in ka badan 1,080 qof ay ku dhaawacmeen, in ka badan 100,000 oo qoysna ay ka qaxeen magaalada Laascaanood tan iyo dabayaaqadii bishii December.

Agaasimaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay burburiyeen shaybaarka isbitaalka, keydka dhiiga iyo qeybta bukaanada kadib weeraradii hoobiye.

"Ciidanka Somaliland ee ku sugan meel ka baxsan magaalada ayaa si aan kala sooc lahayn u duqeeyay dadka rayidka ah iyo goobaha caafimaadka, Ma jirto maalin uusan khasaaro iyo duqeyn jirin," ayuu xusay.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rabshadihii ka dhacay Laascaanood ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof intii u dhaxaysay 28-kii December ilaa 28-kii Feberaayo.

Warbixinta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa sidoo kale waxay intaas ku dartey in ka badan 450-kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad.

UN-ka oo walwal xooggan ka muujiyey sii socoshadda iska-hor-imaadyadda ayaa waxa uu ku baaqay in la ixtiraamo shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka bini'aadantinimo ee aan la carqaladayn lana joojiyo xabada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM