Dib-u-dhac ku yimid furitaanka wadahadaladda Muqdisho

Image
Qorshaha wuxuu ahaa in wadaxaajoodyadan muhiimka ah ay bilowdaan Khamiista maanta ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta oo ay taariikhdu tahay 19-ka August, 2021 waxay ku beegan tahay waqtiga madaxda Soomaalida u balameen shir kale oo ay Muqdisho kaga yeeshaan arrimaha doorashooyinka.

Balse, wali ma jiro hogaamiye caasimada yimid. Tani waxay ka dhigan in uu dib-u-dhacay kulankaas. Baaqashada ayaa kusoo hagaagtay iyaddoo uu khilaaf ka taagan yahay habraaca xulista xubnaha Aqalka Hoose.

Sidoo kale, dib-u-dhacan ayaa kusoo aadaya xilli ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu safar dibada ah ku maqan yahay dalka Masar halkaasoo uu wadaxaajoodyo kula yeeshay mas'uuliyiinta sarre ee waddankaas.

Sida uu ogaadey Warsidaha Garowe Online, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra'iisul Wasaare Rooble oo lagu qadey Maanta inuu Shir uga furmo Muqdisho ay kusii jeedaan Sacuudiga.

Safarkooda oo aan weli la shaacin xiliga uu yahay, ayaa yimid kadib markii Casuumaad wadajir ah ay ka heleen Boqortooyadda Sacuudiga, waxayna soo gudan doonaan Cumrada sannadkan.

Madaxwayneyaasha maamulada iyo wafuudooda ayaa la sheegay in ay Muqdisho soo gaari karaan maalmaha soo aadan si ay isugu diyaarinayaan kulankan oo muhiim u ah qabsoomida doorashadda Aqalka Hoose.

Xulista xubnaha Aqalka Sare ayaa durba ka qabsoontey afar kamid ah dowlad goboleedyada iyadda oo Puntland iyo Koonfur Galbeed ay yihiin dhinacyadda dhameystiray, inta kalena ku dhiman tahay xubno.

Wakiilada HirShabelle iyo gobolada waqooyi ee Senate-ka baarlamaanka 11aad ayaan wali la bilaabin. Lama ogga sababta daahisay doorashadda Jowhar, balse qadiyada Somaliland waxay u xiran tahay khilaaf culus.

Dhamaan qodobada is-mar-waagu ka taagan yahay ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo wadahadalada lagu waddo in ay martigeliso caasimadda waxayna udub-dhaxaad u noqon kartaa daahfurnaanta coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM