Dib u dhac ku yimid gurmad kusii jeeday fatahaadaha Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo lagu wadday in ay ka baxaan Muqdisho si ay gurmad u gaarsiiyaan gobolka Hiiraan ayaa waxaa socdaalkooda ku yimid dib u dhaca.

Baaqashadda ayaa timid markii xalay roob xoogan uu ka da'ay magaaladda Beledwayne oo kolkii hore ay ka jirtay xaalad daran oo ka dhalatay fatahaad uu sameeyay Webigga Shabeelle.

Roobka ayaa biyo badan dhigay madaarka diyaaradaha Beledwayne, taas oo aan suurtogelinayn in ay diyaarado cago dhigtaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo Golaha Shacabka ka tirsan kana mid ah wafdiga kusii jeeday xarunta gobolka Hiiraan, ayaa xusay in ay ka fekerayaan waqtiga kale oo ay ku beegayaan safarkooda.

"Magaalada xaalkeeda waa sideedii…laakiin alxamduililaah, sidda shalay illaa iyo doraad, maanta lama soo warin wax khasaaro ah," ayuu Xildhibaanka, oo degaan doorashadiisu tahay Hiiraan, yiri.

Ku dhowaad laba kun oo qof ayaa ku barakacay fatahaadaha Beledwayne, sidda ay sheegtay dowladda oo xustay in ay ku naf-waayeen tobanaan kale oo ay ku jiraan mas'uuliyihiin heer gobol iyo shacab.

Qaramadda Midoobay ayaa hoosta ka xariiqay in roobabka ay sii socon doonan, isla markaana dadweynaha looga baahan yahay in ay baadigoobaan goobo kale oo ay ku badbaadin karaa noloshooda.

Xukuumadda ayaa Caalamka waydiisatay taageero iyo maalgelin ay ku sameeyaan xal waara oo loo helo fatahaadaha Webiga ee soo noqnoqda sanad walba, taas oo galaafata nolosha dad iyo hanti beel badan.

Midowga Yurub iyo dalal dhowr ah ayaa balanqaaday malaayiin Doollar oo ay ku taakuleynaa mashaqaddan, iyaga oo naxariis u rajeeyay dhamaan dadkii ku naf-waayey kuwa ku gurya beelaynay bedel fiican.

Baaqashadan oo markii labaad noqoneysa ayaa imaaneysa xili xaaladda ay meel adag mareyso isla markaana aad looga digayo suurtogalnimadda cuduro dilaaca iyo cuno yari magaaladda ka dhacda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM