Diblomaasiyiin Shir xasaasi kula leh Jowhar Madaxda maamullada

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Safiirka Turkiga Olgan Bekar  ayaa kulan xasaasi ah kula leh magaalada Jowhar Madaxada maamul goboleedyada dalka.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran, ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiiro katirsan Xukuumadiisa, oo ku sugan magaalada.

Shirkan ayaa lasu soo waramayaa in looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo heerkii ugu sareeyay gaarey wixii ka dambeeyay Shirkii Kismaayo horaantii bishan.

Wararka waxay sheegayaan in Kulanka loogu gogol xaarayo Shirka wadatashiga uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay hogaamiyaasha maamullada, kaasi oo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho 28-ka bishan October. Halkan ka akhri.

Jowhar waxaa ka socota xaflad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, taasi oo ay ka qeybgalayaan madax sare iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhida Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha Kulanka, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM