Digniin loo jeediyay dadka Jilib ku dhaqan

Image

JILIB, Somalia- Diyaarado Dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay Mareykanka, ayaa xalay Duqeyn culus, oo dhanka cirka ah ka gaystay Deegaan ay maamusho Al shabaab oo ku yaalla Jubbada Dhexe.

Wararka GO uu ka helayo dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Duqeynta lala bartilmaameedsaday Saldhig weyn oo Al shabaab ku leedahay Tuulada Weelmarow, oo qiyaastii 65KM u jirta degmada Jilib.

Ciidamo ajnabi ah, oo si gaar ah u tababaran, ayaa kasoo daatey Diyaaradaha Duqeynta kadib, kuwasoo Dagaal xooggan oo Daqiiqado badan socday Deegaanka kula galeen Dagaalyanada Al shabaab.

Wali lama oga Khasaaraha ka dhashay Duqeynta iyo Dagaalkii ka dambeeyay, balse Ilo-wareedyada la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in Diyaaradaha ay Warqado Digniin ah ku daadiyeen gudaha Jilib.

Warqadaha ayaa waxaa dadka ku nool degmada lagu wargelinayaa inay ka fogaadaan Goobaha ay ku sugan yihiin Al shabaab iyo saldhigyadooda, si aysan Khasaaro uga soo gaarin weeraro la qorsheynayo.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka, kaasi oo daba socda Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya,ee lagu beegsanayo deegaanada ay ka taliso, ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM