Digniin loo jeediyay dadka Jilib ku dhaqan

Image

JILIB, Somalia- Diyaarado Dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay Mareykanka, ayaa xalay Duqeyn culus, oo dhanka cirka ah ka gaystay Deegaan ay maamusho Al shabaab oo ku yaalla Jubbada Dhexe.

Wararka GO uu ka helayo dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Duqeynta lala bartilmaameedsaday Saldhig weyn oo Al shabaab ku leedahay Tuulada Weelmarow, oo qiyaastii 65KM u jirta degmada Jilib.

Ciidamo ajnabi ah, oo si gaar ah u tababaran, ayaa kasoo daatey Diyaaradaha Duqeynta kadib, kuwasoo Dagaal xooggan oo Daqiiqado badan socday Deegaanka kula galeen Dagaalyanada Al shabaab.

Wali lama oga Khasaaraha ka dhashay Duqeynta iyo Dagaalkii ka dambeeyay, balse Ilo-wareedyada la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in Diyaaradaha ay Warqado Digniin ah ku daadiyeen gudaha Jilib.

Warqadaha ayaa waxaa dadka ku nool degmada lagu wargelinayaa inay ka fogaadaan Goobaha ay ku sugan yihiin Al shabaab iyo saldhigyadooda, si aysan Khasaaro uga soo gaarin weeraro la qorsheynayo.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka, kaasi oo daba socda Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka iyo Kenya,ee lagu beegsanayo deegaanada ay ka taliso, ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM