​Diyaarad ku dhacday Garoonka Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia- Diyaarad nooca xamuulka qaada oo ay leedahay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhacday garoonka diyaaradaha Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay shixnad gargaar ah u waday dadka ku sugan Dolow oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Lama oga sababta ay diyaaraddu u dhacday, waloow aysan ilaa hadda cid ka hadashay shilkaas.

Sawirro lagasoo qaaday diyaaradda ayaa muujinaysa bur-bur soo gaaray.

Lama oga khasaaraha ka dhashay diyaaradda oo shilkaas la kulantay xilli ay rabtay inay caga dhigato garoonka Garbahaarey.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Muqdishu ay ku dhacday diyaarad laga leeyahay dalka Maraykanka oo rabtay inay cago dhigato madaarka Aadan Cadde.

Faah faahinta dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM