Diyaarad xilli Habeen ah kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Mudo 27 sano kadib, Diyaarad rakaab ah, ayaa xalay fiidkii soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Jubba Airways, ayaa waday rakaab gaaraya 100 qof, oo u badan Xujay ka timid Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya , oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay soo deganaysay diyaaradda, taasi oo lagu daah-furey Shaqada Garoonka, xilliga habeenkii ah.

Wasaaradda Duulista hawada Xukuumadda Somaaliya, ayaa dhawaan shaacisay in Garoonka lay ku xirtey Nalalka waaweyn, ee ifiya Runway-ga, oo ah halka ay Diyaaradda soo caga-dhigato.

Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya, ayaa adkeeyay xalay amniga nawaaxiga Garoonka, halkaasi oo ay ku qab-qabteen Boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasi xilli dambe lasii daayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM