Diyaarad xilli Habeen ah kusoo dagtay Garoonka Aadan Cadde [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Mudo 27 sano kadib, Diyaarad rakaab ah, ayaa xalay fiidkii soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Jubba Airways, ayaa waday rakaab gaaraya 100 qof, oo u badan Xujay ka timid Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya , oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa jooggay Garoonka Xilliga ay soo deganaysay diyaaradda, taasi oo lagu daah-furey Shaqada Garoonka, xilliga habeenkii ah.

Wasaaradda Duulista hawada Xukuumadda Somaaliya, ayaa dhawaan shaacisay in Garoonka lay ku xirtey Nalalka waaweyn, ee ifiya Runway-ga, oo ah halka ay Diyaaradda soo caga-dhigato.

Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya, ayaa adkeeyay xalay amniga nawaaxiga Garoonka, halkaasi oo ay ku qab-qabteen Boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasi xilli dambe lasii daayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM