Diyaarada Turkish Airline oo Gargaar bini'aadanimo keenya Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaarad laga leeyahay ay leedahay shirkadda Turkish Airline oo waday gar-gaar ayaa maanta kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Diyaarada  ayaa keentay 60 Tan  oo isugu jira kaalmooyin bini'aadanimo oo ka kooban Cunto iyo Dawo

Guddiga abaaraha qaranka Somalia iyo Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in Kaalmadan ay gaarsiin doonaan Barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaalla gudaha iyo duleedka caasumadda Somalia.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo todobaadkan booqasho ku yimid Muqdishu ayaa tilmaamay in Somalia ay soo gaarsiin doonaan gurmad deg deg ah oo wax loogu qabanayo abaarta.

RW Veysi ayaa xusay in maalmaha soo aadan ay Muqdishu soo gaari doonaan Diyaarado xambaarsan 11,000 tan oo shixnado gargaar ah, kuwaasi oo ka yimid dowladda iyo shacabka Turkiga.

Turkiga ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatey gurmadkii abaaraha Somalia sanadkii 2011-kii, oo dalka ka jirtay Macluul daran, oo ay ku dhimatay 260,000 oo qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Waxa kaliya ee aan wax ku nahay waa Cadaaladda 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay — oo ahayd dil loo geystay nin rakaab ahaa kaddib muran ku saabsan laba doollar.

  • Soomaliya

    27-11-2025

  • 05:50PM

AFRICOM oo Duqeymaha Daacish ee Puntland Gaarsiisay Heerii Ugu Sareeyay

Ma jirto illaa iyo hadda warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha saxda ah ee ka dhashay duqeymaha ugu dambeeyay.

  • Soomaliya

    27-11-2025

  • 05:35AM