Diyaaradahii Qaadka oo laga wareejiyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaaradihii Qaadka keeni jiray magaalada Muqdishu ayaa loo wareejiyay gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii lagu siyaadiyay canshuurta ay ka qaado wasaaradda Maaliyadda Somalia.

Majirin wax diyaarad ah oo maanta soo cago dhigatay madaarka Aadan Cabdulle Cismaan.

Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa GO u sheegay in arintan ay timid markii khilaaf soo kala dhexgalay Wasaarada Maaliyadda dowladda Federaalka Somalia iyo Ganacsatada qaadka.

Ganacsatada qaadka waxay tilmaameen in Diyaaradaha ay ka degi doonaan wixii ka dambeeyay maanta oo Khamiis ah [April 20] Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabelle.

Dhowr diyaaradood ayaa maanta soo cago dhigtay magaalada Jowhar, waxaana jaadka caasumadda Somalia lagu gayn doonaa gawaari.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Somalia oo ku saabsan muranka keenay in Ganacsatada ay u weeciyaan Diyaaradahii Qaadka ka keeni jiray Kenya, magaalada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM