Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaaradda Turkish Airlines, ayaa maanta kasoo degtay Garoonka Muqdishu, kadib markii dhowr jeer hore u suuro gali wayday inay soo cago dhigato madaarka sabab la xiriira dabeylo xooggan oo ka jira hawada Magaalada.

Diyaaradda oo siday Rakaabka ayaa saaka si caadi ah ugu degtay Garoonka Aadan Cadde, xilli jawiga uu deganaa, waxaana la filayaa in ay ka qaado dad badan oo ku qoran duulimaadkii baaqday shalay.

Waxay kasoo duushay saaka magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo shalay lagu dejiyay, markii ay ka laabatay Muqdishu.

Turkish Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn ee ka degta Garoonka Muqdishu, ayaa waxay ka timaadaa dhanka Badda, casbi laga qabo in hawada Muqdishu khatar amni uga timaado.

Saraakiisha Garoonka waxay sheegeen in Diyaaradda dhankii ay kasoo degi jirtay oo Badda ah, ay ka jiraan dabeylo xooggan, oo ku kalifay inay dib u laabato mudo saddex jeer labo Todobaad gudahooda.

Turkish Airlines oo ka shaqo billowday Somalia 2012, ayaa samaysa Duulimaad Toos ah oo Isku xiraya dalka iyo Qaaradda Yurub, waxaana meesha ay ka saartey dhibatadii ahayd in la maro dhowr dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM