Diyaaradda Turkish Airlines oo maalintii Saddexaad ka dagi la’ Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaaradda Turkish Airlines ayaa markii saddexaad kusoo degi wayday maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Mas'uul katirsan Waaxda Duulista Hawada Somalia, ayaa GO u xaqiijiyay in Diyaaradda ay usoo caga dhigan wayday sababo la xariira Cilado farsamo, hawada oo xun iyo dabeylo xooggan oo ka jira garoonka Muqdishu.

Rakaabkii siday Diyaaradda ayaa laga dejiyay dalka Jabuuti, iyadoo uu baaqday dadkii ku qornaa maanta inay kasoo qaado Garoonka Muqdishu, kuwaasi oo lagu wargeliyay in safarkoodu dib u dhacay.

Ma jiro war rasmi ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia oo ku aadan ciladaha ka jira Garoonka.

Diyaaradda Turkish Airlines oo ah Diyaaradda ugu weyn ee kusoo degta Garoonka Aadan Cadde, ayaa samaysa duulimaad caalami ah maalin kasta todobaadka oo dhan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM