Diyaaradda Turkish Airlines oo maalintii Saddexaad ka dagi la’ Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaaradda Turkish Airlines ayaa markii saddexaad kusoo degi wayday maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Mas'uul katirsan Waaxda Duulista Hawada Somalia, ayaa GO u xaqiijiyay in Diyaaradda ay usoo caga dhigan wayday sababo la xariira Cilado farsamo, hawada oo xun iyo dabeylo xooggan oo ka jira garoonka Muqdishu.

Rakaabkii siday Diyaaradda ayaa laga dejiyay dalka Jabuuti, iyadoo uu baaqday dadkii ku qornaa maanta inay kasoo qaado Garoonka Muqdishu, kuwaasi oo lagu wargeliyay in safarkoodu dib u dhacay.

Ma jiro war rasmi ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda Federaalka Somalia oo ku aadan ciladaha ka jira Garoonka.

Diyaaradda Turkish Airlines oo ah Diyaaradda ugu weyn ee kusoo degta Garoonka Aadan Cadde, ayaa samaysa duulimaad caalami ah maalin kasta todobaadka oo dhan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM