Dood kulul oo dhex martay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka

Image
SAWIR HORE

Muqdisho, Somalia - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dhameystirka qorista dastuurka Soomaaliya, iyadoo kalfadhigaas uu ka dhacay khilaaf xooggan oo u dhexeeya xildhibaannada.

Qadiyada Somaliland ayaa si kulul looga doodday, iyadoo mudanayaasha qaar ay kalfadhiga ka sheegeen inaan laga doodi karin dastuurka inta ay Somaliland maqantahay.

Xildhibaanada qaar ayaa ka soo horjeestay in si cad dastuurka loogu sheego magaca gobolada waqooyi ee Somaliland, maadaama aan la isku raacsaneyn qeextiaanka waxa ay yihiin goboladaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay gobolka Sool ayaa sii huriyay khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka ee kala matalaya dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan xildhibaanda Somaliland iyo Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibaanda Puntland ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siciid Dni uu ka maqanaa shirarkii golaha wadatashiga qaran ee looga hadlay dastuurka, taas oo micnaheedu yahay in aanay Puntland lagala tashan dhameystirka Dastuurka.

Waxaana xusid mudan in Deni uu dhawaan xaqiijiyey in Puntland ay cidina kala hadli doonin dhameystirka dastuurka inta ay Somaliland maqantahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM