Mas'uuliyiin ku naf-waayey Doon ku qalibmatay bartamaha Soomaaliya

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Ugu yaraan todoba ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ayaa ku naf-waayey Dooni Isniinta maanta ah kulan qalibmatay Webiga Shabelle qeybtiisa gobolka Hiiraan.

Dhowr illo wareed ayaa u sheegay Garowe Online in doonida oo ku rogmatay inta u dhaxeysa degaanka Ceel Jaale iyo Beledwayne ay la socdeen in ka badan soddon qof oo rakaab ahaa.

Wadar ahaan dadka illaa iyo haatan la xaqiijiyey in lasoo badbaadiyey ayaa gaaraya 15 ruux, kuwaasoo isugu jira rayid iyo mas'uuliyiin heer gobol iyo heer maamul goboleed.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale ayaa ku jira shaqsiyaadka lasoo badbaadiyey.

Dahab Xasan Axmed, lataliyihii arrimaha haweenka madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-weyday dhacdadan.

Deeq Axmed, oo u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha bulshadda iyo Sharmaake oo kamid ahaa lataliyeyaasha Waare, ayaa la sheegayaa in uu kamid noqday dadka dhintay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in isla markii Doonidu degtay ay badbaadiyeyaasha ahmiyadda koowaad siiyeen madaxda.

Mas'uuliyiinta ayaa ku wajahnaa Ceel Jaale, halkaas oo kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyay fatahaada Webigga Shabelle oo qaybo kmaid ah wadanka laga dareemay.

Dad ka badbaaday shilka ayaa sababtay keentay in doonto rogmato ku qeexay badi rakaabka oo saarnaa qaybta hore iyo darawalka oo aan xirfad sare lahayn.

Daadadka ayaa ka dhashay rooban mahiigaan ah oo ka da'ay qaybo kamid ah dalka, kaasoo biyo badan dhigay Webiyadda kana dhasheen Fatahaadyo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadii, 27-ka October 2019, sameysay Guddi, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM