Doon iyo Shaqaale laga sii dayay Burcad Somali ah

Image

HOBYO, Somalia- Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay inay sii daayeen Doon u rarnayd ganacsato Somali ah iyo Labo kamid ah Shaqaalahii saarnaa.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, Cabdullaahi Axmed Cali, ayaa sheegay inay ku guulaysteen sii daynta doontaas iyagoo kaashanaya odoyaasha dhaqanka degmadaas.

Wuxuu cadeeyay inay maqanyihiin sideed kamid ah shaqaalihii la socday oo uu xusay in horay looga dajiyay doonta kuwaasoo iminka lagu hayo barriga.

Labada qof ee lasoo bad-baadiyay ayuu tilmaamay in loo adeegsaday awood ciidan.

“Ciidamo iyo Odayaasha deegaanka ayaa soo furtay doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo laba kamid ah shaqaalihii la socday, hadda shaqaalahaasi wey Caafimaad Qabaan doontiina gacanteena ayay ku jirtaa,” Ayuu yiri Cabdullaahi Axmed.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidmo ka tirsan Galmudug iyo kooxihii Burcad badeeda ahaa ee dhawaan qabsaday doontaas, ayaa maanta iska horimaad ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Qaraarow oo hoostaga degmada Hobyo.

Wararka laga helayo Qararow oo kooban ayaa sheegaya in qaar ka mid ah waxgaradka maleeshiyada haysta doonta iyo ciidamo wada jira ay gaareen Qararow oo lagu tuhmayay in burcadda ay lasoo aadeen shaaqalihii doonta, hase ahaatee kooxihii burcadda ahaa ayaa sheegay inay weerar kala hortageen ciidamadii Galmudug

Majirto ilaa hadda cid si madax bannaan u xaqiijin karta wararka ku saabsan doontaas oo muddo lagu haystay gobolka Mudug, taasoo lagasoo qafaashay biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM