Doorashada Galmudug: Labo Murashax oo u gudbay Wareegga 2-aad

Image

CADAADO, Somalia -  Waxaa goordhaw lasoo afjaray tirinta codadka wareegga kowaad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ka socoto magaalada Cadaado.

Saddex musharrax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Cabdiqaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa u tartamay wareegga kowaad.

Waxay kala haleen cododka;

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo helay  57  cod

Cabdiqaadir Shirwac oo helay 7  cod

Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay   24 cod

Waxaa Wareegga labaad u gudbay Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hilowle, oo la filaya inay ku kala baxaan wareeggan, oo ah kii ugu dambeeyay.

Xildhibaanno gaaraya 89 ayaa dhiibanaya codadkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM