​Doorashada Galmudug oo markale dib u dhacday [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somalia- Waxaa maanta markii saddexaad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, oo lagu balansanaa inay maalinta berri ah ka dhacdo magaalada Cadaado.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Galmudug Maxamed Xasan Geelle, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa shaaciyay in doorashada Madaxweynaha la qaban doono 3-da Bisha soo socoto ee May.

Wuxuu sheegay in sababta ay tahay mid farsamo, isagaa tilmaamay inaysan jiri doonin dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta lagu waday in Murashaxiinta Madaxweynaha Khudbadahooda ka jeediyaan Baarlamanka, islamarkaana la qabto doorashada maalinta Berri ah, 30-ka Bisha April.

Saddex Murashax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Ducaale, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof Cabdiqaadir Shirwac ayaa u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha labaad ee maamulka Galmudug.

Wadahadallo ay dowladda Federaalka dhexdhexaadinayso oo u dhaxeeysay Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa fashilmay, kadib markii dhinacyada ay isku afgaran waayeen qaabka awood qeybsiga maamulka cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM