Doorashadda Kuraasta Somaliland: Maareeye oo dib loo doortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa Maanta dib loogu doortey Kursigii uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo oo katirsan Gollaha Shacabka.

Kursiga oo sumadiisu tahay Hope225, ayaa waxaa kula tartamay Maareeye Musharax malxiis ah, oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame Saciid kaasoo helay wareegii 1aad 3 cod oo kaliya.

Maareeye ayaa ku guuleystay 96 cod, waxuuna Gudiga ku dhawaaqey inuu yahay Xildhibaanka guuleystay, oo ku biiraya Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Labo cod ayaa hallowdey, waxaana codadka dhiibtay 101 ergo.

Aamina Cumar Jaamac, ayaa iyaduna tartan la'aan ku guuleysatay kursigii ay horey ugu fadhisay, kadib markii ay u tanaasushay Gabar la tartamaysay, oo u muuqatay mid iyadu keensatay, oo malxiis ah Aamina Cismaan Diiriye.

Kuraasta Gobolada Waqooyi ama Somaliland ayaa noqday kuwii ugu horeeyay oo doorashadooda lagu qabto Muqdisho, iyadoo qeybaha kale ee dalka aaney wali ka billaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM