Doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka dhacaysa Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Somalia - Wasaarada Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Somalia ayaa shaaciyay in bisha July ay qaban doonto Doorasho heer degmo ah, oo shacabka kusoo dooran doonaan maamulka shan degmo.

Marka la gaaro 10-ka July, Shacabka ku nool degmooyinka Baraawe, Ceelbade, Bardaale, Xudur iyo Baydhabo, oo katirsan gobollada Shabeellaha hoose, Bakool iyo Baay waxay dooranayaan Guddoomiyeyaasha degmooyinkaasi iyo ku xigeennada.

Arintan ayaa ka dambaysay markii bishii lasoo dhaafey ee May ay Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ay ansixiyeen Hindisaha Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ahayd in shacabka ay doortaan hogaankooda.

Musharaxiin badan ayaa isku soo taagey Doorashada Gudoomiyaasha Degmooyinkan, waxaana isha lagu hayaa qaabka ay u dhici doonto codbixinta, maadaama ay jirto cabsi iyo khatar dhanka amaanka ah.

Waa markii ugu horeysay oo Doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo deegaanada Koonfur Galbeed Somalia tan iyo markii la aas-aasey maamulkaasi, oo kamid ah maamullada Federaalka ee dhawaan abuurmay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM