Xiligga ay dhacayso doorashada kursi ka banaan BF oo la muddeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey in 12-ka Janaayo, 2020, ay Kismaayo, caasimada Jubaland, ku qabanayaan doorashadda kursi ka banaan Aqalka Hoose.

Warkan waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddiga oo ku taariikheysan 8-da Janaayo, 2020 isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Kursigaas ayaa waxaa ka dhintay Xildhibaan Sawaqar Ibraahim Cabdalla, wasiir ku xigeenkii Shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay weerar ay Al-Shabaab bishii March, 2019, ku qaadey dhismaha wasaaradiisa ee degmada Shangaani, gobolka Banaadir.

Dhismaha la beegsaday oo ay ku wehliyaan wasaaraddo kale ayaa lagu galay qarax gaari oo albaabka lagu dhuftay.

Inta la xaqiijiyey in ka badan tobban oo ay ku jiraan shaqaale dowladeed ayaa ku geeriyootay "falkaas argagixiso".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Guddiga oo dhameystiray howlihii diiwaan-gelinta murashaxiinta iyo ergadda doorashada ayaa ku wargelinaya dhinacyadda in ay xaadir noqdaan waqtiga coddeynta.

Qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM