Doorka UN-ka ee baaq kasoo baxay Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dolwadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM