Dowlada Sucuudiga oo wafdi sare u diraysa dalka Somalia

Image

MUQDISHU- Dowlada Sucuudiga ayaa la filayaa in wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada u soo diri doonto dalka Somalia maalmhaan soo socda.

Wafdigaan ayaa wararka sheegayaan in marka hore ku soo mari dalka Ethiopia iyagoo dalkaas ka raadinaya inuu tageero ololaha looga soo horjeedo dalka Qadar.

Wasiirka arimaha dibada Sucuudiga ayaa la filayaa in dalka Somalia kala hadli doono mowqifka dowlada Federalka ee ku aadan xiriirka dalka Qadar kadib markii ay qaateen madaxda Somalia go'aan dhexdhexaad ah.

Sucuudiga ayaa dalka Somalia ka raadinaya in ugu yaraan hoos u dhigaan xiriirka ay leeyihiin dalka Qadar.

Dalka Sucudiga ayaa raadinaya sidii loo go'doomin lahaa dalka Qadar oo wadamo Khaliijka ku yaala ku eedeeyeen Inuu xiriir la leeyahay dalka Iran islamarkaana tageero ururo argagixiso ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM