Dowladda federaalka oo baaq u dirtay maamuladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Kulankan ayaa wuxuu u dhexeeyay Wasaaradaha Deegaanka iyo Batroolka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Muqdisho ugu qeyb-galay Aqoon is-weydaarsi Ku Saabsana Yareynta Dhuxusha iyo Kobcinta Isticmaalka Gaaska Cunta.

Kulankan ayaa wuxuu u dhexeeyay Wasaaradaha Deegaanka iyo Batroolka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS. Waxaa Agaasinka kulanka iska kaashaday Agaasinka Xafiiska Bay'adda ee Raysal Wasaaraha XFS iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Wasiiradda matalayay Dowlad Gobaleedyada in ay Kaalinka qaataan dhaqan-galinta Sharciyadda la Xiriira ka hortagga Xaalufinta Deegaanka iyo Kobcinta isticmaalka Gaaska Cuntada.

Carabeey ayaa intaas ku daray in ka Wasaarad ahaan ay dhiira-galinayaan Ganacsatada iibisa Gaaska Cuntada sidoo kale Wasaaraddu ay diyaarisay Sharciyo kala duwan oo la Xiriira arimahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM