Dowladda Federaalka oo ka hadashay Qaraxii Muqdishu [Dhageyso + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka warbixisay Qaraxii maanta duhurkii ka dhacay xarunta degmada Wadajir, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof, oo u badan shacab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) oo Warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in 10 Qof ay ku dhinteen, 9 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Axmed ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha  Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan uu kamid yahay 30 qof oo ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo loo adeegsaday gaari HOMY-da ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Qaraxa uu burburiyay dhismaha xarunta maamulka degmada.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, oo ahaa mid aad u weyn oo gilgiley Muqdishu, kaasi oo noqonaya midkii labaad, oo ka dhaca Caasumadda tan iyo markii ay billaabatey bishan Ramadan-ka.

Todobaadkii tagey, Al shabaab ayaa weerar xooggan ku qaadey Makhaayadda PIZZA House, oo ku taalla nawaaxiga Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo shacab ahaa.

Dowladda Federaalka, ayaa qaadey tallaabooyin wax looga qabanayo amniga magaalada, waxaana ay ciidamadeeda ay baro koontarool ka samaysteen wadooyinka waaweyn oo ay ku baaraan Gaadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM