​Dowladda FS oo ka warbixisay Diyaarada kusoo dhacday Garoonka Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federalka Somalia ayaa ka hadashay Diyaarada maanta ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdishu, taasi oo ay leedahay Shirkadda Bancroft.

Agaasimaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Axmed Macalin Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaraddan laga lahaa dalka Mareykanka, ay dhacday markii ay lugaha u bixi waayeen.

Diyaaradda oo u kireysan Shirkadda Bancroft oo ka taageerta AMISOM dhanka ammaanka sidoo kalena tababar siisa Askarta dowladda Somalia ayaa ka timid dalka Uganda, waxaana la socday 4 qof oo ajnabi.

Afarta qof ee saarnaa Diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay.

Axmed Macalin Xasan ayaa tilmaamay in Shilka uu hakad geliyay dhamaan Duulimaadkii ka tagi lahaa iyo kuwii kusoo wajahnaa saaka Garoonka Aadan Cadde, oo leh hal Runway oo Diyaarada ku dhacday.

Diyaaradda ayaa goobta laga qaadey, waxaana dib usoo laabtey howlihii Garoonka iyo Duulimaadka.

Wasiirka Gaadiidka dhulka iyo Cirka Maxamed Cabdullaahi Salaad, ayaa isna ka hadlay diyaaradda soo dhacday, wuxuuna sheegay in dhibaatooyin kala kulmaan markii ay Shaqada Garoonka ay hakad gasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM