Dowladda Ingiriiska oo baaraysa weerar lagu qaadey masaajid

Image
Weerarkaan ayaa la hubinayaa in uu xiriir la leeyahay mid kale oo dhacay dhamaadkii bishii hore.

LONDON, United Kingdom - Dowlada Ingiriiska ayaa baaraysa weerar nin ku hubeysan waxyaabaha wax lagu gubo uu ku qaaday nin kasoo baxay Masaajid ku yaala magaaladda Birmingham.

Booliska ayaa sheegay in dhibanuhu uu kasoo baxay masjidka Dudley Rd ee magaaladaasi Birmingham kadibna uu nin ku sayriyay waxyaabo dareere isaga oo dab ku tuuray.

Ninka la weeraray ayaa uu dhaawac xun kasoo gaaray wajiga balse booliska waxay hoosta ka xariiqeen in noloshiisu aysan halis ku jirin isla markaana haatan la daaweynayo.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa hay'adaha nabad-gelyadda waxay kasoo xigatay in ay ka qayb-galayaan baaritaanka Booliska la dagaalanka argigixsada ee wadankaas.

Weerarkaan ayaa la hubinayaa in uu xiriir la leeyahay mid dhamaadkii bishii hore ka dhacay degaanka Ealing ee galbeedka London kaasi oo uu ku dhintay oday 82 jir ahaa oo hortaagnaa Misaajid ku yaala halkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM