Dowladda Jabuuti oo hoos u dhigtay Xiriirka Qadar

Image

Dowladda Jabuuti, ayaa shaacisay inay hoos u dhigtay xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dalka Qadar, oo hadda cilaaqaadkii u jaray Wadamada kale ee Khilaajka Carabta.

Dalka Jabuuti oo kamid ah Jaamacaadda Carabta, ayaa xiriir dhaw la leh Dalalka xiriirta u jaray Qadar.

Go'aanka Jabuuti ayaa imaanaya iyadoo maanta dowladda Somalia meel dhex-dhexaad ah iska-taagtey Khilaafka u dhaxeeya Dalalka Khaliijka iyo Qadar, kaasi oo sii xoogeysanaya marba marka ka dambaysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegay in Somalia ay ka walaacsan tahay Xiisadaha kDiblomaasi ee a taagan Khilaajka, waxaana ay ku baaqdey inay Wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka.

Villa Somalia ayaa slagu yaqaaney inay la safato Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo xiriir taariikhi ah kala dhaxeeya, waxaana sanadkii tagey xiriirkii u jartay dalka Iran, oo Sacuudiga ay isku dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM