Dowladda oo beenisay hadalkii danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxba kama ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ku saabsan dacwadda badda ee hortaala ICJ.

Kyle McCarter oo u waramay The Nation ayaa xusay in uu tegay Muqdisho lana kulmay madaxweyne Farmaajo, isaga oo u sheegay "in uu kiiska badda kala soo laabto Maxkamadda".

Hadalka McCarter ayaa xoojiyey su'aallo badan oo ku wajahnaa Villa Soomaaliya oo ku saabsan suurtagalnimada in ay u nuglaan karto cadaadiska kaga imaanaya dibadda, oo ku riixaya in ay ogolaato Kiiska badda in lagu xaliyo meel ka baxsan ICJ.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan, danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ayaa xaqiijiyey safarka McCarter balse wuxuu gebi ahaanba meesha ka saarey in uu wax kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka.

"Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor".

Socdaalka McCarter ee hadda soo if-baxay ayaa nan horey loo shaacin. Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in uu ku jiray wafdigii ka qeybgalay Shirka Madasha Bahwadaagta Soomaaliya [Somali partnership Forum].

"Wargayska Kenyaanka ah [Daily Nation] ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo," ayuu Tarsan soo dhigay barihiisa gaarka ee bulshadda.

Xiisada badda ayaa qodxo u yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed, midka siyaasadeed iyo xagga warbaahinta Soomaaliya iyo Kenya oo isku haya goob ku taala xadka badda, oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaas.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa u furnaan la’aanta warbaahinta iyo bixinta xogaha kiiska badda, waxayna dadku walaac ka muujiyeen in dowladdu jawaabto kaliya marka macluumaad ka helaan illo-shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM