Dowladda oo guulo ka sheegatay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa xalay wuxuu ka dhacay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa lagu dilay in ka badan 150 xubnood Al-Shabaab ah, sidda ay shaacisay dowlada federaalka.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta, dagaalameyaashan waxaa kamid ah horjoogeyaal hase ahaatee ma aysan bixin sharaxaad ku saabsan magacyadooda iyo goobaha.

Bayaankan oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa la raaciyey in 17 kamid ah maleyshiyaadkan lagu khaarijiyey howlgal xalay ka dhacay degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe," ayaa la raaciyey qoraalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo ay ku jireen labo horjooge.

Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhammaan dhagar qabayaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laayay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii kooxdaan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dhagarta Aragagixisada ayaa howlgaladii ugu danbeeyay ee todobaadkaan ku dilay in ka badan 150 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Aragagixisada.


Dhanka kale, taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shaaciyey in howlgal uu 23-kii October ka fuliyey meel u dhow degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan uu ku dilay laba xubnood kamid ah ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM