Dowladda oo ka hadashay sababihii Turkish Airlines uga dagi wayday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa ka hadashay sababihii ay Diyaarada Turkisha Airlines uga soo dagi wayday 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawadda Somalia Maxamed Cabdullaahi Salaad oo Warbaahinta kula hadlay Muqdishu, ayaa sheegay dabeylo xoogan oo jiray awgood ay Diyaarada u dagi wayday.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Diyaarada Turkish Airlines ay leedahay Xeerar u gaar ah, oo la xariira goobta ay ku dagayso, balse aysan jirin cilado kale oo u gaar ah Garoonka Aadan Cadde.

“Sababtii Diyaarada uaga soo dagi waysay waxay ahayd dabeysha ka socota Garoonka ee dhanka Badda uga imaanaysa, taasi oo xadkii loo ogolaa Diyaarada inay ku soo dagto ka badneyd,” Ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu xusay in Garoonka ay maalinta kasta kusoo degaan Diyaarado badan, balse mida Turkish Airlines ay ka duwan tahay kuwaasi, islamarkaana ay ka timaado dhanka Badda markii ay dagayso.

“Haddii dabaysha dhanka dambe uga timaada Diyaarada ay dhaafto xawaaraha loogu talo galay, looma ogala inay soo dagto Diyaaradda Turkish Airlines, taasna waa shuruuc u degsan Shirakadda, ee cilad kama taagna Garoonka,” Ayuu hadalkisa raaciyay Wasiirka.

Diyaaradda ayaa si caadi ah uga soo dagtay Garoonka maalintii shalay, waxaana ka hadlay Mas’uuliytiinta Shirkadda oo sheegay inay ciladu ahayd cimilada oo xun iyo dabaylo jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM