Dowladda Somalia oo codsatay in la baaro duqayntii ka dhacday dalka Yemen

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay mashaqadii ka dhacday xeebaha Yemen ee lagu laayay dad qaxooti u dhashay dalka Somalia, kuwaasoo la sheegay kusii jeedeen dalka Suudaan, kahor intaysan weerar cirka ah ku qaadin diyaarad loo malaynayo inay leeyihiin is-bahaysiga uu hogaaminayo Sacuudigu.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'isal wasare Khayre, ayaa la sheegay inay ka murugoonayaan dhacadadaas isagoo tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

In kabadan 42 qof oo Somalia ah ayaa weerarkaas ku dhintay, waxaana maydadka iyo dhaawaca gacanta ku dhigay Xuutiyiinta Yemen oo weerarka ku eedeeyay is-bahaysiga Sacuudigu horkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM