Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay shirkadaha shidaalka caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waydiisatay shirkadaha ugu tunka weyn caalamka ee dhanka shidaalka in ay maalgeshi ku sameystaan waddanka.

Wasiirka Batroolka xukuumadda taladda haysa ayaa shaaca ka qaadey in la xaliyey dhamaan caqabadihii jiray lana dhameystiray waxyaabihii muhiimka ahaa.

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey bogga Petroleum Economist ayaa caqabadaha laga gudbay ku sheegay shufta badeeda "oo la cirib-tiray" iyo sharciga Batroolka.

"Waxaan ku martiqaadeynaa shirkadaha in ay soo eegaan Soomaaliya. Suuq ka weyn waxay filanayaan ayaa ka jira, wayna fudahay in ay helaan suuq caalami ah," ayuu yiri.

Sharciga Batroolka oo ay qaadaceen qaar kamid ah Maamul Goboleedyadda dalka ayaa horyaala Aqalka Sare.

"Soomaaliya waxay Bariga Afrika kaga taalaa aag istaraatiiji, waxay dhacdaa Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Tani waxay sahleysaa xiriirka suuqyadda kale ee caalamka," ayuu xusay.

Xukuumadda ayaa bishaan December soo bandhigeysa macluumaad horleh oo ku saabsan shidaalka dalka. Isla bishaan, waxaa la bilaabayaa bixinta ruqsadaha shidaal soo saarista.

Sidda ku cad xogta lagu soo bandhigay Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London, bishii February, 2019, Soomaaliya waxay hadda haysataa 16-xirmooyin shidaal oo 30 bilyan oo Fuusto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM