Dowladda Soomaaliya oo dib u fureysa safaaradda Canada

Image

TORONTO, Canada – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qorsheyneyso in ay dib-u-furto safaaradeeda waddanka Canada.

Dhayib Maxamuud, qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Canada, oo warkan iclaamiyey ayaanan soo bandhigin xiliga la furayo.

Safaaradda Soomaaliya ee Canada ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 1990-kii, sanad kahor dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay.

"Mudadaas waxaa xiriirka Soomaaliya iyo Canada isku xirayey Jaaliyada Soomaaliyeed," ayuu Dhayib u sheegay VOA Soomaali.

Qunsulka cusub oo kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa rajeynaya in safaaradda cusub ay xoojin doonto cilaaqaadka labada dal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Dhayib ayaa hoosta ka xariiqay in safaaradda ay xal u heli doonto dhibaatooyinka ay wajahayaan dhalinyaradda Soomaalida.

Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin dilalka dhexdooda ah iyo helista aqoonsiga oo ay waqti badan ku qaadato.

Canada ayaa kamid ah dowladaha safka hore kaga jira caawinta Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay ku nool yihiin Jaaliyadda labaad ee ugu badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM