Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtey eedeyn uga timid Somaliland

Image
Sheegashadan la beeniyay ayaa ku saabsaneyd colaadda ka oogan magaaladda Laascaanood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka ku saabsan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay qeyb ka yihiin colaadda magaaladda Laascaanood.

Wasiirka gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo u waramay Idaacadda VOA-da ayaa sidoo kale waxa uu ka gaabsadey in uu caddeeyo mowqifka wasaaradiisa ee dagaalkan.

"Dagaalka Laascaanood madaxda qaranka ayaa ka hadashay. Tilmaamaha ay bixiyeen ayaa tilmaamo noo ah. Ma rabno in wasaarad gaashaandhiga ahaan in aan hoos ugu degno.

Madaxda dowladda federaalka ayuu hoosta ka xariiqay in ay bixin doonan tafaasiil intaas ka badan. Hase ahaatee, ma kala caddeyn goorta iyo goobta ay uga hadli doonan.

"Laakiin, Xaqiiqo ma ahan in ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed ay meeshaas [Laascaanood] dagaal toos ah uga jiraan. Intaas ayaanba gaabsanayaa. Inta harteya madaxda qaranka ayaa horey uga hadashay. Halkaas uga gaabsaneynaa," ayuu ku yiri.

Maamulka Somaliland ayaa bishii hore waxa uu faafiyey in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay qeyb ka yihiin dagaalka xarunta gobolka Sool. Sidoo kale, Al-Shabaab iyo askarta Puntland ayay eedeysay.

Ugu yaraan 100 qof oo u badan shacab ayaa lagu waramay in ay ku nafwaayeen colaadda Laascaanood oo salka ku haysa dadka degaanka oo doonaya in ay dib-u-hirgeliyaan aragtida "Soomaali weyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM