Dowladda Soomaaliya oo kiiska Laascaanood geysay Golaha Amniga

Image
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa si adag u duray Somaliland.

WASHINGTON, United States - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Baalle ayaa shir ay yeesheen Golaha Amniga ka sheegay moowqifka dowladda federaalka ah ee qadiyadda Laascaanood.

Baalle waxa uu sheegay in Somaliland "ay madaafiic ku garaacayso shacabka, geysanaysana xad gudub xuquuqda aadanaha oo aanan loo dulqaadan karin, tahayna in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto".

Hadalka safiirka ayaa imaanaya xilli jabhadda SSC ay dhidibada usii aasayso gacan ku haynteeda magaalada, iyada oo midabka buluugga ah ee calanka lagu xardhay saldhiggii booliiska, islamarkaasna garaadada ay xafiisyada dhigteen calanka Soomaaliya iyo kan qaatumo.

Tirakoobyo horudhaca ah oo lasoo saaray ayaa sheegaya in wax ka badan 100 qof ay ku dhinteen dagaaladii iyo duqeymihii ka dhacay magaalada, iyada oo weli ciidamada Somaliland ay dul fadhiyaan magaalada.

Garaadada oo marar kala duwan la hadlay warbaahinta ayaa wadahadal shuruud uga dhigay in marka hore ciidamada Somaliland laga dulqaado magaalada, iyo guud ahaan gobolka Sool.

Dhanka kale, mucaaradka Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeynaya in uu hormuud u yahay colaadda Sool, uguna baaqay in uu is casilo sida laga soo xigtay Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada.

Dhinaca kale, danjireyaasha wadamadda ka tirsan golaha ammaanka oo madasha ka hadlay ayaa soo hadal-qaadey xaalada magaaalada Laascaanood.

Xabad-joojin, rayidka oo laga dhowro waxyeelada, gurmadka bini’aadantinimada oo marin loo helo iyo wadahadal ayay soojeediyeen. In ka badan 86,000 qof ayaa lagu waramay in ay ku barakaceen coladda xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM