Dowladda Soomaaliya oo qaraan u uruurinaysa dagaalka Al-Shabaab

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsi u diray qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qurba-joogta Soomaalida ee ku nool daafaha caalamka waa in ay maalgeliyaan dagaalka lagu soo afjarayo Al-Shabaab, sidda uu ka codsadey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kadib markii uu la kulmay Soomaalida ku nool Qaarada Yurub.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Qaranka, kulankan ayaa ahaa mid bulshadda ay ku taageereysay "halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab".

Xasan Sheekh oo kulankan ka hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay qaaraan uga baahan tahay Jaaliyadaha Soomaalida ee aduunka si ay u dardargeliso gulufka ka dhanka ah kooxda.

Sidda laga soo xigtey hogaamiyaha Soomaaliya, maamulkiisa wuxuu mashruucii ahaa "Hal doolar dalkaaga ku dhiso" waxa uu u badalay "Hal doolar dalkaaga ku difaac". Qodobkan ayuu si gaar ah u sharaxay.

"Hal Pound marka ay isku daraan intaan meesha fadhisa hal Pound miyaa? Waa hanti aad iyo aad u badan. Malaayiinta Soomaalida ah marka ay isku dardaraan waa malaayiin; wax bay tareysaa," ayuu sii raaciyey.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay isa soo tarayaan warbixinadda ku saabsan in howlgaladii dardarta ku socdey dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay u hakdeen dhaqaale yari ayna xukuumadda lacag raadineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM