Dowladda Soomaaliya oo sababeysay gargaarka loo dirayo Turkiga

Image
Xukuumadda federaalka ayaa la sheegay in illaa haatan ay ku deeqdey in ka badan laba boqol kun doolar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga dowladda federaalka u saartay hawlaha gurmadka masiibada dhulgariirka ee Turkiga ayaa sheegay "in Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay garab istaagto Turkiga".

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa la raaciyey "maadaamaa iyaga [Turkida] ay soo garab istaageen markii ay Soomaaliya dhibaatada abaaraha ka jirtay, welina garab taaganyihiin".

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa tibaaxay "in ay tahay arrin ku saabsan damiirka, dadnimada iyo qaranimada Soomaaliya taabanaysa in la garab istaago Turkiga".

Prof Xuseen oo isna xubin ka ah guddiga ayaa sheegay abaalkii ay Turkida u galeen Soomaalida "aanan marnaba la gudi karin, balse ay tahay kaliya in la muujiyo in la garab taaganyahay, la’iskuna dayo in gargaar la uruuriyo".

Xubnaha guddiga ayaa madasha ka sheegay in lasoo gabogabeeyay qeybtii koowaad ee Gargaarka oo ah lacagtii la uruuriyay, haatana lagu talo jiro qeybta labaad ee gargaarka oo ah in xoolo nool la uruuriyo, loona diro Turkiga.

Waxaa sidoo kale madasha looga hadlay doorka warbaahinta ee hawlaha gargaarka, sidoo kale waxyaabaha laga baran karo burburka ka dhacay.

Dowladda Turkiga, iyada oo la sheegay in qeyb weyn ay ka ahayd dayac ka dhacay xagga dhismayaasha, taasina ay tahay in dhanka dowlada Soomaaliya cashar laga barto qaabka loo dhisayo dhismayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM