Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 3,000 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalada ciidamada ee ka dhanka ah kooxda hubeysan ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay Al-Shabaab ka faro-maroojiyeen illaa 70 tuulo dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

"Dowladdu waxaa ka go’an xaqiijinta in ciidamada XDS ay fuliyaan howlgallada socda si ay si adag ugu hoggaansamaan waajibaadka ka saaran shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada, sharciga xuquuqul insaanka, shareecada Islaamka, iyo xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed ee dagaalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka wasaaradda, howlgalada dhacay tan iyo bishii August ayaa waxaa lagu khaarijiyey in ka badan 3,000 Al-Shabaab ah waxaana ku dhaawacmay 3,700 kale.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doortey bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022-kii.

Hadalka wasaaradda ayaa kusoo hagaagaya xilli ay socdaan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee daahfurka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasoo ka bilaabaya gobolada waddanka.

Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa kamid ah meelaha ay ka bilaaban doonan howlgaladda iyadda oo ay ciidamo ka imaanaya Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay ku biiri doonan.

Howlgalada ciidamada ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Saraakiisha waxay hakadkan ku sababeeyeen dib-u-qaabeynta istaraatiijiyadda iyo sahay la'aan si gaar ah dhanka hubka iyo gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM