Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka" 49 Al-Shabaab ah

Image
Wasaarada warfaafinta ayaa shaacisay in xubnahan ay "isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhowaad 49 xubnood Al-Shabaab ah lagu dilay howlgal iyo duqeyn ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta, howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyey Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay degaanka Buulo Madiino.

"Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka," ayaa la raaciyey bayaanka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Khawaarijta looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM