Dowladda Soomaaliya oo sheegatay la wareegida Aadan Yabaal

Image
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyey "xorreynta" degmadan muhiimka ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo dadka degaanka ay la wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Maleyshiyaadka AlShabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay maamulayeen degmadan tan iyo sanadka markii uu ahaa 2016-kii. Waa magaaladii ugu dambeysay ee gobolka oo xoogaga hubeysan laga faromaroojiyey.

Ciidamadda oo garab-sanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kula dagaalamay duleedka Aadan Yabaal saddex casho kahor. Wali lama ogga khasaaraha iska-hor-imaadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha hubeysan ay "ka hayaameen" degmadda kadib markii "ay iska caabin waayeen boqolaalka ciidamadda iyo dadka degaanka ee kadiyey".

"Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha degmadda ka socdey miino baaris iyo hubin si looga hortago khatar amni oo ka dhalan karta haddii taxadar la'aan la galo," ayay xuseen.

Lama ogga haddii ciidamadda hantey Aadan Yabaal ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama horey looga bartey askarta Soomaaliya in ay dib uga soo baxaan goobaha ay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay Aadan Yabaal u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxaa la aaminsan yahay in ay u ahayd aag ay ka hesho dhaqaale badan kuna yaaliin "maxkamad beenaadyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM