Dowladda Soomaaliya oo xayiraadda safarada ka qaadeysa Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Talaabadan ayaa u muuqata mid lagu barxayo miisaanka iyo cabashada siyaasiyiinta qaar oo meel adag taagan.

KISMAAYO, Jubaland - Warar ayaa sheegaya in kadib socdaalkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo la go’aamiyay in xayiraadda safarada laga qaado siyaasiyiinta gobolka Gedo si ay ugu socdaalaan karaan gobolkaasi.

Intii uu jiray maamulkii hore ee looga guuleystay doorashadii May, 15, 2022, marar badan oo hore ayaa siyaasiyiin kala duwan uu u safri lahaa gobolkaasi laga celiyay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa kamid ahaa xubnaha is-hortaagga lagu sameeyay. Mudadaas, waxaa aad u hooseeyay xiriirka ka dhaxeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

Haatan maadaamaa madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmo kadib ku wajahan yahay magaalada Garbahaarey, ayaa waxaa la doonaya in siyaasiyiinta inta haleeli karta iyo waxgaradka ay tagaan gobolkaasi, kuwaas oo qaarkood ka imanaya dalka dibadiisa.

Dowladda federaalka ayaa doonaysa in shirka Garbahaareey ay ka qeygalaan dhammaan beelaha degan gobolka, kuwaas oo qaarkood uusan wax muran siyaasadeed kala dhaxaynin maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Talaabadan ayaa u muuqata mid lagu barxayo miisaanka iyo cabashada siyaasiyiinta qaar oo meel adag taagan. Qadiyada gobolka Gedo ayaa xudun u ahayd xasarado siyaasadeed oo ka taagnaa dalka shantii sano lasoo dhaafay.

Shirka ka qabsooaya Garbahaareey ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo ay iskula-jaan-qaadi karaan dowladda federaalka iyo Jubaland isla markaana dardargelin kara dagaalka looga soo horjeeda maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM