Dowladda Turkiga oo martigelisay shir daarnaa arrimaha Soomaaliya

Image

ANKARA - Dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ku kulmay dalka Turkiga iyagoo ka hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo arrimo kale oo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Turkiga, Mareykanka, Qatar, Imaaraadka iyo Ingiriiska ayaa ka qeyb galay kulanka, waxaana ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo xasiloonida dalka.

Inta uu socday kulanka waxaa ka hadlay tiro wasiiro ah oo matalayay wadamada ka qeybgalaya shirka, waxaana ka mid ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulaziz, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Shakhbut Bin Nahyan.

Wasiiru dowlaha Qatar ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo buuxinta booskii ay baneynayaan ciidamada Afrikaanta ee ATMIS, isagoo carabka ku adkeeyay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu taageero u fidiyo.

Dhanka kale. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Shakhbut Bin Nahyan ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM