Duqeyn Al-Shabaab lagula eegtay Jubada Dhexe oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa Isniintii, 16-ka December 2019, duqeyn ka geysatay Jubadda Dhexe.

Sidda ay sheegtay Dowladda Soomaaliya, howlgalkaas ka dhanka ah cirka ah waxaa qayb ka ahaa ciidamo Ameerikaan ah.

Duqeynta ayaa si gaar ah looga fuliyey nawaaxiga degaanka Dujuma oo hoostaga gobolkaas ka tirsan maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu shaaciyey in weerarkaas lagu dilay dagaalame Al-Shabaab ah.

Bayaanka AFRICOM oo aan lagu fahfaahin sooyaalka dagaalamaha la dilay ayaa meesha looga saarey in uu jiro waxyeelo rayid.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqeyntaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya midkii 50aad ee kaliya sanadkan ay ciidamadda Mareykanka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM