Duqii degmada Maxaas oo qirtay in ay Al-Shabaab xiriir lasoo sameysay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Cilmi Cawaale, ayaa qirtay Khamiistan in ay Al-Shabaab xiriir kala soo sameysay qaraxii lagu dilay ku xigeenkiisii.

Cilmi ayaa u sheegay Maxkamadda Ciidamada in uu wicitaan ka helay sarkaal Shabaab ah oo aad looga yaqaano halkaas.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal maxkamadda ku sugnaa, Cilmi ayaa qiil ka dhigtay in loogu goodiyey "in la khaarjinayo".

Cawaale iyo sarkaal hore oo boolis ah, Nuur Ibraahim Mahad Alle, iyo Cawaale ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay fududeeyeen weerarkaas.

Maxkamadda ayaa la horgeeyay caddeymo ay ku jiraan wada hadal dhanka telefoonka ah ee dhexmaray shaqsiyaadkan.

Cabdirashiid Cusmaan Cabdi, gudoomiye ku xigeenkii hore ee Maxaas, ayaa bishii April 2019 ku dhintay qarax ay goob maqaaxi ah ugu dhejiyeen labadda shaqsi, kuwaas oo meesha ka maqnaa xiligaas.

Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale waxay dacwad kusoo oogtay ruux kale oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure [Cali Qaawane]. Mr Qaawane waa maqan kuma jiro gacanta hay'addaha cadaaladda.

Dacwad oogeyaasha oo xubnahan ku eedeeyay in ay abaabulka shirqoolka qeyb ka ahaayeen, ayaa dalbaday in dil toogasho lagu xukumay Cawaal iyo Mahad Alle, oo maxkamad kasoo muuqdey.

Cali Qaawane oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ka tirsan, ayaa la aaminsan yahay in uu yahay ruuxa lasoo xiriiray Cawaale una cagajugleeyay isla markaana u dhiibay walxaha qarxa.

"Si ay ugu waano qaataan qaataan mas'uuliyiinta kale ee xilalka loogu dhiibay si ugu adeegaan bulshadda, balse kula shaqeynaya argagixisadda, waa in dil toogasho lagu xukumaa eedeysaneyaasha," ayay sheegeen.

Qareenadda eedeysaneyaasha ayaa codsaday in kiiska dib loo eego laguna tixgeliyo Cawaale shaqadii uu u soo qabtay degmadda oo uu xilka ka hayey muddo 90-casho ah.

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ayaa waxay shaaca ka qaadey in ay dib kasoo sheegi doonto fadhiga xiga iyo goorta ay soo saareyso go'aanka ugu dambeeya ee kiiskan aadka u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM