Duufaan laga digay oo halis gelin karta 3 magaalo oo Soomaaliya ku taalo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayaan khatar ka dhalan karta duufaano ka dhaca Soomaaliya oo ka dhasha roobabka da’aya, kuwaas oo sababi kara khasaare naf iyo maalba leh.

Duufaanta El Niño ayaa khatar ku ah magaalooyinka xeebaha Soomaaliya ee gobolada waqooyi ilaa koonfurta, sida: Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.

El Niño waxay saamaysaa heerkulka badda iyo xoogga qulqulka biyaha. iyada oo u dhacda si aan joogto ahayn ama labadii ilaa todobadii sanoba mar.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dalalka Afrika waxay la kulmeen dhibaatooyin ka dhashay dhacdooyin dabiici ah oo ba'an oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ku nool Morocco, Libya iyo Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM