Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u bilowday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si rasmi ah dib ugu bilowday Jimcada maanta ah.

Tani ayaa ka dambeysay markii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ay 15-kii November ku kulmeen Nairobi, caasimadda Kenya.

Hogaamiyeyaasha ayaa isla meeldhigay qodobo ay kamid yihiin wanaajinta xiriirka labada dal, soo celinta duulimaadka iyo qaboojinta xiisadda.

Xiisadda ayaa ka dhalatay dacwad hortaala Maxkamadda ICJ oo ku saabsan kiis dhanka badda gaar ahaan goob ku taala xuduudka labada dal.

Goobtaas ayaa hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Gaaska naqaska iyo Shidaal ay labadda waddan doonayaan in ay soo saaraan.

Kenya Airways ayaa noqotay diyaaradii ugu horeysay ee daahfurka dib u bilaabitaanka duulimaadka tooska ah ee labadda magaalo.

Duulimaadka oo ay la socdeen 50 rakaab ayaa ka duulay Muqdisho, waxaana uu si toos ah uga degay magaaladda ganacsiga caanka ku ah ee Nairobi.

Waa markii ugu horeysay muddo lix bilood ah kadib uu si toos ah u bilowday duulimaadka oo Kenya u joojisay si cadaadis u saarto Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Waaxda Duulista Gawada Soomaaliya ayaa ku wargeliyey 89 diyaaradood in ay duulimaadka tooska ah bilaabi karaan 22-ka November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM